Muqdisho (UM) – Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa ka furmay toddobaadka Fashion-ka qaaradda Afrika.
In ka badan 220 oo shirkood oo ah shirkadaha dharka sameeya, kuwa Tignoolajiyadda iyo kuwo kale oo ka Kala socda in ka badan 26 dal oo ay ka mid yihiin dalal ku yaala Barriga dhexe, Bartamaha iyo koonfurta Asia, Yurub iyo Waqooyiga America ayaa ka qayb galaya Toddobaadka Fashion-ka Afrika.
Shirkadaha dalalka ay ka kala socdaan ayaa kala ah
Turkey, Bangladesh, Belgium, China,Germany, India, Indonesia, Israel, Italy, Japan, Kenya, Lebanon, Madagascar, Mauritius, Netherlands, Pakistan, Panama, Rwanda, Singapore, South Africa, Switzerland, Taiwan, Imaaraadka Carabta(UAE) Boqortooyada Britain (U.K.)and iyo Maraykanka.
Dhacdadan oo u jeedadeedu tahay sidii shirkadaha caalamka ay si rasmi ah u soo gali lahaayeen suuqyada qaaradda Afrika, ayaa waxaa soo abaabulay shirkado waa wayn oo ka howl gala Yurub gaar ahaan Jarmalka iyo shirkadda lagu magacaabo Trade and Fairs East Africa Ltd.
70 ka mid ah shirkadaha tartankan ama carwada Fashion-ka toddobaadka Afrika ayaa waxaa ay ka howl galaan qaaradda Asia, oo qaaradda ugu wayn uguna dadka badan Adduunka.
Madaxwaynaha dalka Itoobiya Mulatu Teshome, ayaa bandhigan ka furay magaalada Addis Ababa.
Shirkadaha ka socda dalka Turkiga oo ka qayb galaya waxaa ka mid ah Delta Print, OLA textiles iyo Ayhan Denizci, kuwaasi oo wakiillo ku leh inta badan dalalka qaaradda Afrika.