Toban ruux oo shacab ah oo lagu dilay golbalka Sh.Hoose

913

 

Ciidamo Ajnabi ah oo ay wehliyeen Ciidamo  ka tirsan dowladda Soomaaliya  ayaa la sheegay in maanta galinkii hore howl gal ay ku qaadeen dhul beeraley ah oo ku dhow deegaanka  Bariire,  ee Gobalka Sh/ Hoose ay Ku dileen dad shacab ah oo tiradooda lagu sheegay 10 ruux.

Dadka howlgalkaasi lagu dilay ayaa lagu soo waramayaa inay badankooda kasoo jeedeen hal qoys.

Gudoomiye Ku xigeenka gobalka Shabeelaha Hoose Cali Nuur Maxamed ayaa warbahinta u sheegay in ciidamadasi oo wada jir ah ay weerar Ku qadeen beer Ku taala gobalka Sh/Hoose halkaasina lagu dilay in ka badan 9 ruux.

Waxaa uu sheegay in ciidamada weerarka gaystay aysan kusoo war-galin taliyaasha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala gobalkaasi.

Waxaa goor dhow la keenay magaalada Muqdisho Meydadka illaa 10 ruux oo isku qoys ahaa, kuwaasoo saaka waabarigii ay ciidamo Mareykan ah ku dileen agagaarka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Meydadkan ayaa saxaafada loogu soo bandhigay Isbitaalka Madiina, waxaana ku jiray labo carruur ahaa, waxaana la soo bandhigay sidoo kale magacyadooda.

Waa dhacdadii labaad oo dad rayid ah ay ku dilaan Ciidamo Mareykan  iyo Soomaali ah oo howl gal ka fulinaya Koofurta Soomaaliya.

Waxaana todobaad ka hor 7 ruux lagu dilay deegaan u dhow degmada  Jilib, halkaasoo diyaarado looga shakisan yahay in laga leeyahay Mareykanka ay duqayn ka gaysteen.