Tirada Soomaalida wax ku noqotey duqeyntii Libya oo korodhay

98

Xubno ka tirsan diblumaasiyiinta Soomaaliya ee ku sugan wadanka Libya ayaa bixiyay fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wax ku noqday duqeyntii ugu dambeysay ee Libya ka dhacday.

Weerarka cirka ah oo aanan wali la kala caddeyn cidda mas’uulka ka ahayd ayaa lagu beegsaday goob lagu hayey qaxooti ah, kuwaasi oo isugu jira kuwa ka yimid dalal ay ku jiro Soomaaliya.

Safaaradda Tripoli ayaa xaqiijisay in illaa iyo haatan ay hubiyeen in afar muwaadin ay ku dhaawacmeen dhacdadaasi xili ay muujisay suurogalnimada in khasaaraha uu intaas ka sii badnaan karo.

Qaramada Midoobay ayaa hore ugu tilmaamtay beegsiga  “dambi dagaal” iyaga oo codsaday in ay baaritaano madax banaan lagu sameeyo cidda ka dambeysay.

Waddanka Libya oo ay colaado ka socdaan muddo sanado ah marin u noqday muhaarijiinta dhanka badda uga sii talaaba wadamada reer Galbeed kuwaasi oo dhibaato baaxad leh la kulma inta ay ku jiraan safarada tahriibka ah ee halistoodu aadka u sareyso.

SHARE