Tirada kiisaska cudurka Corona Fayras ee Soomaaliya oo kordhay

208
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur.

Muqdisho – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya sheegtay in ay sare u kacday tirada dadka qaba xanuunka Corona Fayraska.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 2 ruux ay ugu geeriyoodeen 24 saac ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho cudurka Corona Fayras.

Wasaaradda caafimaad Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in tirada dhimashada guud ee dadka u dhintay Coronavirus ee Soomaaliya ay hadda gaartay 28 ruux.

Tirada dadka laga helay xanuunka Corona Fayraska ee Soomaaliya ayaa maraysaa 528 sida ay Wasaaradda Caafimaadku xaqiijisay.

Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in cudurkaan ay ka bogsadeen guud ahaan 19 qof.

Wasiirka Caafimaad Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in cudurka Corona Fayras uu guud ahaan Soomaaliya ku faafay iyadoo kiisaskii ugu horreeyay maanta laga xaqiijiyay dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

SHARE