Tirada dadka u dhintay cudurka Corona Fayras ee dalka Mareykanka ayaa ku dhaw 100 kun oo ruux, sida ay qortay warbaahinta dalka Mareykanka.
Mareykanka ayaa oo ka mid dalalka uu sida ba’an u sameeyay cudurka Corona Fayras ayaa wali siiwada dagaalka ka dhanka ah faafitaanka cudurkaan.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in haddii faafinta cudurka uu soo laba kacleeyo uusan waddanka gelin doonin mar kale xaalad badandow ama xayiraad ah.
Wargeyska New York Times ee ka soo baxa Mareykanka ayaa boggiisa hore oo dhan Axaddii ku qoray liiska magacyada iyo taariikh nolalkooda oo kooban dadkii u dhintay cudurka Coronavirus.
Magacyada iyo qoraallo kooban ee laga soo aruuriyay dhammaan dalka oo dhan ayaa lagu qoray lixda bog hore ee wargeyska iyadoo ciwaan looga dhigay: “Dhimashada Mareykanka oo ku dhow 100,000, Khasaare aan la xisaabin karin,” iyadoo oo ciwaan hoosaad looga dhigay: ” Kaliya magacyo la iska diiwangeliyay ma ahan. Waxay ahaayeen Mareykanka.”
Liiska Qoraallada oo dhan ayaa qaatay bogagii inta badan lagu soo bandhigi jiray maqaallada, sawirradda, iyo sawir gacmeedyada iyadoo ka isku dayayo in la gudbiyo baaxadda iyo nolosha kala duwan ee uu galaaftay cudurkaan, sida uu sheegay Simone Landon, oo ah kaaliyaha tifaftiraha qeybta sawir-gacmeedka.
Tirakoob ay sameysay Jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya in in ka badan 97,000 kun oo qof ay u dhinteen COVID-19 gudaha Mareykanka, halka shabakada Worldometers oo diiwaan gelisa xogihii ugu dambeeyay ee Corona Fayras ee dunida oo dhan ay muujisay in ka badan 98,000 oo Mareykan ah ay u dhinteen cudurka.