Tirada dhimashada Fayras Korona ee Talyaaniga oo kor u sii kacday

841
Saynisyahanada adduunka ayaa daraasaad ku samaynaya fayraska Corona, kaasi oo oo aan ilaa hadda talalkiisa la helin. Sawirka [Bing Guan/Reuters]

Tirada dadka uu ku dhacayo xanuunka Corona iyo kuwa u dhimanaya ee dalka Talyaaniga oo ah dalka ugu daran ee cudurku saameyay ayaa sii kordheysa. Masuuliyiinta dalkaas ayaa ku dhawaaqay 793 oo dhimasho ah, iyo in ka badan 4,825 ( affar kun sideed boqol labaatan iyo shan) oo kiisas cusub oo cudurka ah.

Talyaaniga ayaa hadda dhaafay dalka Shiinaha oo ah halka uu cudurku ka soo bilowday.

Ilaa iyo hadda cudurka Carona ayaa dunida ku dilay dad gaaraya 12, 592 oo dunida oo idil ah.Inta badan dadka u dhintay xanuunka ayaa ahaa dad Yuribiyaan ah oo gaaraya 7,199, halka Asiana ay u dhinteen 3,459 .

Jarmalka iyo Switzerland ayaa ku dhawaaqay sabtigii in ay isbitaalada u furayaan bukaanada ka imaanaya bariga dalka ay dariska yihiin ee France oo la daalaa dhacaysa sare u kaca cudurka Carona.

bukaan oo Faransiis ah ayaa lagu wadaa in lagu  soo dhaweeyo isbitaalada ku yaalla Gobolka Baden Wuertermberg ee Koonfur Galbeed ee dalka Jarmalka, halka lix kalena ay tagi doonaan sedex isbitaal oo ku yaalla Switzerland sidaas waxaa shaaciyay masuuliyiinta Alsace ee France.

Faransiisk  ayaa dhisi doonaa isbitaallo cusub kaddib markii bukaanadu ay buux dhaafiyeen isbitaaladii hore ee gobolka Alsace.

Faransiiska ay sheegay in hal maalin ay dhinteen 112 taas oo tirada Faransiiska ugu dhintay gaarsiineysa 512, iyada oo dadka qabana ay gaarayaan 6 172.

Spain oo ah dalka labaad ee qaaradda Yurub oo xanuunku si weyn u saameeyay ayaa sheegtay in 1326 oo ay ku jiraan 283 oo dhimatay sabtigii ay heerka dhimashada gaarsiineyso  32% boqolkiiba.

Madaxa heyadda caafimaadka  Dr Tedros Andhom adduunka ayaa sheegay jimcihii in la gaaray heer aad u xun oo musiibo ah.

Dhanka kale Dr Tedros Andhom waxa uu sheegay in ay jirto waxa loo dabaaldeggo maadama aan kiisas cusub laga soo sheegin magaalada Wuhan oo cudurku uu ka soo bilowday.

Dalal badan oo dunida ku yaal ayaa lagu soo rogay xayiraad iyo in ddaku guryahooda joogaan. Goobaha waxbarasho iyo meelaha la iskugu yimaado ayaa gabi aahnba haawanaya iyada oo goobaha cibaadada la xiray muddo  si looga dheeraado cudurka dunida sida dabka ugu faafay ee Corona.