Tirada dhimashada cudurka Corona Fayras oo 1 milyan dhaaftay

580
Tirada dhimashada cudurka Corona Fayras oo 1 milyan dhaaftay. BBC

Xog laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Mareykanka oo si dhow ula socota cudurka Corona Fayras ayaa lagu sheegay in dhimashada ka dhalatay ay hal milyan kor u dhaaftay.

Cudurka Corona Fayras ayaa markii koowaad laga soo wariyay magaalada Wuhan ee bartamaha Shiinaha iyada oo si dhaqso ah uu ugu faafay dunida kale. Hey’adda Caafimaadka Adduunka ayaa ku tilmaamtay cudurka mid safmar oo si daran u faafaya.

Mareykanka ayaa noqday dalka ugu dhimashada badan oo ay ku dhinteen dad gaaraya 205, 0000 oo ruux. Waxaa kusoo xiga dalalka Brazil, Hindiya, Mexico iyo Britain.

Kiisaska dadka uu cudurku ku dhacay ayaa gaaray 33 Milyan oo ruux, 23 Milyana ay ka bogsadeen dunida oo dhan.