Tirada dhimashada cudurka Corona Fayras ee Soomaaliya oo korortay

103

Muqdisho – Wasaaradda Caafimaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sheegtay maanta in ay korortay tirada dadka u dhintay xanuunka Corona Fayraska.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in xalay 9 ruux ay ugu geeriyoodeen isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho. Wasaaradda caafimaad Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in tirada dhimashada guud ee dadka u dhintay Coronavirus ee Soomaaliya ay hadda marayso 32 ruux.

Tirada dadka laga helay xanuunka Corona Fayraska ee Soomaaliya ayaa gaartay 436 sida ay Wasaaraddu sheegtay.

SHARE