Tirada dhimashada coronavirus-ka Mareykanka ayaa dhaaftay 200,000, kun sida ay sheegtay xog ay siidaysay Jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Mareykanka (JHU).
In ka badan 6.8 milyan oo qof ayaa la ogyahay inuu ku dhacay cudurkaan Mareykanka, in ka badan waddamada kale.
Talaabadan ayaa imaaneysa iyadoo ay sii kordhayaan kiisaska dhowr gobol, oo ay ku jiraan North Dakota iyo Utah.
Bishii Maarso, madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay haddii dhimashadu u dhaxeyso 100,000 ilaa 200,000, waddanku wuxuu qaban lahaa “shaqo aad u wanaagsan”.
Bishii hore, markii 15 kiis laga helay dalka, wuxuu saadaaliyay in tiradu ay “ku dhowaanayso eber” dhawr maalmood gudahood.
Jaamacadda Johns Hopkins ayaa sidoo kale sheegtay Talaadadii tirada dhimasho cusub oo gaaraysa 200,005. Jaamacadda ayaa aruurineysay xogta Mareykanka iyo adduunka intiisa kale ee la xiriirta xanuunka coronavirus tan iyo markii uu ka dillaacay dhammaadkii sanadkii hore Shiinaha. Kiiskii ugu horreeyay ee Mareykanka ayaa la xaqiijiyay bishii Janaayo ee sanadkaan 2020.
Maamulka madaxweyne Trump ayaa si isdaba joog ah loogu dhaleeceeyay sida ay u maareeyay la tacaalida cudurkaan safmarka ah.
“Sababtoo ah beenta iyo karti la’aanta Donald Trump lixdii bilood ee la soo dhaafay, [waxaan] aragnay mid ka mid ah khasaarihii ugu weynaa ee soo mara nolosha Mareykanka ee taariikhda, “ayuu yiri Isniintii musharaxa madaxweynenimada xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden.
Mareykanka ayaa waxaa si ba’an u saameeyay cudurka safmarka ah ee Corona Fayras tan iyo markii uu Shiinaha ka dilaacay sanadkii hore.