Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la hadlay shacabka Mareykanku kaddib markii dhimashada la xiriirta xanuunka Covid-19 ee Mareynka ay gaartay 500,000 oo kun, tirada ugu badan ee dal kasta.
“Ummad ahaan, ma aqbali karno dhimashada intaas la eg. Waa inaan iska caabinno inaan la murugoonno murugada,” ayuu yiri.
Madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka, iyo xaasaskooda, ka dib waxay daqiiqad aamusnaan ah ku qaateen meel ka baxsan Aqalka Cad intii lagu guda jiray xaflad shumaca lagu shiday oo lagu xasuusanayay dadka dhintay.
Kiisaaska Covid ee Mareykanka ee la xaqiijiyay hadda waxay gaarayaan 28.1 milyan, sidoo kale waa rikoor caalami ah.
“Maanta waxaan weydiisanayaa dhammaan dadka Mareykanka inay xusuusnaadaan. Xusuusnow kuwii aan waynay oo aan xusuusanno kuwii aan naga tagay,” ayuu yiri madaxweyne Biden, isagoo ka codsaday dadka Mareykanka inay si wadajir ah ula dagaallamaan xanuunka Covid.
Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in dhammaan calamada suran xarumaha dowladda hoos loo dhigo shanta maalmood ee soo socota.
Madacweyne Biden oo Aqalka Cad, ka hadlayay wuxuu ku furay khudbadiisa isagoo xusay in tirada dhimashada Mareykanka ee Covid ay ka badan tahay tirada dhimashada Dagaalkii Koowaad, Dagaalkii Labaad ee Adduunka, iyo Dagaalkii Vietnam.
“Maanta waxaan calaamadeyneynaa taariikh murugo leh, oo naxdin leh – 500,071 ayaa dhimatay,” ayuu yiri.
“Inta badan waxaan maqalnaa dad lagu tilmaamay inay yihiin Mareykan caadi ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
“Ma jiraan wax noocaas ah, wax caadi ah oo iyaga ka mid ah ma jiraan. Dadka aan waynay waxay ahaayeen kuwo aan caadi ahayn. Waxay ku abtirsadaan jiilal. Waxay ku dhasheen Mareykanka, waxay u soo haajireen Ameerika.
” In badan oo iyaga ka mid ah waxay neefsashadoodii ugu dambeysay ku qaateen si keli ah Mareykanka.