Tirada dadka u dhimanaya xanuunka Carona ee dalka Talyaaniga oo sii  kordheysa

618
Feeyruska Corona ayaa ka difaacay Gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha. Sawirka: BBC Somali

Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay in xanuunka saf marka ee Carona ay khatartiisu tahay mid xaqiiq markii uu si  dhaqso ah ugu fiday dunida oo idil

Dalka Talyaaniga oo dad gaaraya 16 Milyan ay karaantiil ku jiraan ayaa waxaa lagu waramayaa in  97 oo kale ay xanuunka carona u dhinteen taas oo tirade dhimashada ka dhigeysa 463.

Iiraan oo iyadana ah dalka uu sida weyn u saameyay xanuunka Carona ayaa xabsiga ka siideysay 70000 oo maxaabiis si aysan u qaadin cudurka Carona, tirade dhimashada Iiraan ayaa sii cagacageneysa 237.

Heyadda caafimaadka adduunka ayaa sheegtay in dad gaaraya saddex kun iyo sideed boqol ay dunida cadaladeeda ugu dhinteen cudurka Carona, 11 kun oo qof uu ku dhacay sida ay diiwaangalisay heyadda caafimaadka adduunka ee WHO.

Raiisulwasaaraha dalka Talyaaniga Guespene Conte oo wareysi siiyay wargeysgka la Republika ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Talyaanigu ku jiro saacadihii ugu madoobaa laakiin ay ka bixi doonaan.

Raiisulwasaare Guespe Conte ayaa sheegay in tillaabooyinkii Talyaanigu horay u qaaday la sii kordhin doono  oo dhammaan dalka oo dhan la mamnuucay isku imaanshaha meelaha dadweynaha . Waxa kaliya oo la ogolyahay ayaa ah xaaladaha degdega ah iyo shaqada.

Khubdad uu Tvga ka jeediyay axaddii ayuu ku sheegay in waxa ugu fiican ay tahay in dadweynuhu guryaha iska joogaan, iyada oo ciyaarihii la joojiyay.

Maxaabiis ku jirta xabsiga magaalada Madena ee waqooyiga Talyaaniga ayaa la sheegay in ay dhinteen. Dhacdadaan ayaaa ka dambeysay markii maxaabiista loo sheegay in aysan dad soo booqan Karin.

Dhanka kale dalka Iiraan ayaa 27 qof ayaa dhimatay markii warar been abuur oo la faafiyay ay sheegeen in qamradu daweyso xanuunka Carona, 218 kale ayaa isbitaalka la dhigay markii ay  ku sumoobeeyn maandooriye ay isticmaaleen oo ay uga gaashamanyeen cudurka Carona