Tifaftiraha BBC-da laanta Shiinaha oo is-casishay

819

Tifaaf tiraha Shiinaha ee BBC Carrie Gracie ayaa shaqadii iska casishay, iyadoo sababtana ku sheegtay sinaan la’aanta mushaarka ee ragga ay wada shaqeeyaan.

Gracie oo BBC-da ka soo shaqaysay in kabadan 30 sano ayaa qortay waraaq furan oo ay shirkadda ku dhaliilayso kuna sheegtay in ay leedahay “nidaam mushaar bixin oo qarsoodi ah sharcigana aan waafaqsanayn”.

Waxay sheegtay in BBC-du ay wajahayso ” xaalad degdeg ah oo dhanka aaminaadda ah” ka dib markii ay shaacisay in saddex meeloodoow labo ka mid ah xidigaha qaata in kabadan 150,000 gini in ay rag yihiin.

BBC-da ayaa sheegtay in aysan jirin “hab faquuq ah oo ka dhan ah dumarka”.

Gracie waxay sheegtay in ay toddobaadkii hore ka dagtay xilkii tifaaftirenimada ee xafiiska Beijing, balse ay sii joogi doonto BBC-da.

Waxay sheegtay in ay dib ugu noqon doonto shaqadii ay xilkaas ka hor haysay ee dhanka TV-ga halkaas oo ay ka rajaynayso in laga siin doono mushahaar u dhigma kuwa ragga la siiyo.