Muqdisho (UM) – Waxaa saaka ka furmay magaalada Muqdisho tartanka orodka gaaban ee (Mini Marathon ) kaasi oo lagu xusayo maalinta horumarinta ciyaaraha iyo nabadda aduunka iyo maalinta ciyaartooday Soomaalliyeed.
Tarnkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarad dowladda Soomaaliya, waxaana marti gelinaya Gobolka Banaadir. Ciyaartooy laga soo kala xulay 17 deggo ee Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay tartanka orodka gaaban ee Marathonka.
Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Dowladda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ay wehliyaan Guddiga iyo masuuliyiinta Olombikada iyo Ciyaaraha ayaa daah-furay tartanka.
Wasiir Khadiijo ayaa sheegtay in tartankaan uu qeyb ka yahay xuska maalinta Horumarinta Nabadda aduunka oo inta badan lagu maamuuso tartanada gaaban ee Marathonka, waxa ayna sheegtay in ay muhiim gaar ah u leedahay nabadda iyo dhiiragelinta Ciyaaraha Soomaaliya oo markii ugu horresay tan iyo burkburkii Muqdisho lagu qabanayo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa isna sheegay in uu aad ugu faraxsanahay in markii ugu horresay tan iyo burburkii ciyaaraha Marathonka ay Muqdisho ka dhacaan.
Waxaa ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeybgalay munaasabada Orodka gaaban orad yahanka caanka ah Cabdi Bile Cabdi.