Tarsan oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo

125
Maxamed Nuur Tarsan ayaa waxa maanta warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay madaxweyne Uhuru Kenyatta. Sawirka: Uhuru Kenyatta Facebook

Nairobi, Kenya – Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacoowday dalka Kenya Maxamuud Nuur Tarsan ayaa maanta laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo.

Danjire Maxamuud Nuur Tarsan ayaa ka mid ahaa 17 Danjire oo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta uu Madaxtooyadda Kenya maanta uga guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo.

Tarsan oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, ayaa ahaa la taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka hor inta aan loo magacaabin safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa safiir la’aan ahayd muddo ku dhaw sanad iyo bar.

SHARE