Tarsan: Majiro kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya

646

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warbixin lagu qoray wargeyska the Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya taasi oo wareysi uu la yeeshay Safiirka Mareykanka ee Nairobi ku sheegay in uu magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uuna kala hadlay kiiska dacwadda badda.

Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in uusan jirin kulan magaalada Muqdisho ku dhexmaray Madaxweyne  Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya xilligii booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood ka hor.

” Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor”. Ayuu ku yiri Tarsan qoraal kooban uu soo dhigay boggiisa Facebook-ga.

Safiirka Mareykanka ee dalka Kenya Kyle McCarter ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya in arrinta Kiiska badda si dhaqso ah loo xaliyo. Waxa uu sheegay in uu tagay magaalada Muqdisho si uu u la kulmo madaxweyne Farmaajo. ” Waxaan u sheegay madaxweyne Farmaajo inuu ka baxo kiiska dacwadda badda” ayuu ku yiri wareysiga Daily Nation Safiirka Mareykanka.

Waxaa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Kenyatta uu u sheegay in arrinta igu wayn tahay sidoo looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

Warka uu qoray Wargeyska Daily Nation ee Safiirka Mareykanka ayaa imanaya iyadoo toddobaadkii hore Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ ay shaacisay in ay dib dhigtay kiiska dhagaysiga dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya ilaa bisha June sanadka 2020-ka.