Toddobo ruux ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii uu go’ay qayb ka mid ah tareenka oo ay saarnaayeen 1,000 ruux.
Qaybta tareenka intiisa kale ka hartay ayaa ka koobnayd 22 qol wuxuuna gadaalgadaal u socday 11km.
Shilkaan ayaa ka dhacay gobolka Orissa ee bariga dalka Hindiya.
Qaybta dambe ee tareenka waxaa markii dambe istaajiyay shaqaalaha waaxda tareennada oo adeegsanaya dhagaxaan waawayn.
Dhammaan dadkii saarnaa tareenka ayaa badbaaday mana jirto cid wax ku noqotay shilkan dhacay habeenkii Sabtida, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
In kabadan 22 milyan ruux oo reer Hindiya ah ayaa tareennada isticmaala maalin walba iyaga oo adeegsada 9,000 oo tareen.
Muuqaal laga duubay dhacdadaas oo lagu qaaday taleefanka gacanta ayaa muujiyay dad daawanaya tareenka oo gadaal u socda oo qaylyaya.
Dadka shaqada laga fariisiyay ayaa lagu eedeeyay in aysan raacin nidaamkii, baaritaan ayaana la billaabay, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay JP Mishra oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda tareennada.