Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli ayaa ku baaqay in maxaabista dalkaasi lagu shaqeeyo saacado dheer haddii ay wax qaban waayaan la ciqaabo.
Madaxweyne John Magufuli ayaa hadalkani sheegay xilli uu ka qayb galayay munaasabad lagu caleemo saarayay madaxda xabsiyada dalkaasi. Wuxuu sheegay in maxaabista ay cunnada ku abuurtaan dhulka ku yaalla xabsiyada.
“Waxaa ceeb ah in dalka uu sii wado quudinta maxaabista, dhammaan maxaabista waxay haystaan dhul baaxad leh oo ay beero cunnada kasoo g’o ay ku abuuran karaan”
Madaxweyanaha ayaa sidoo kale ku baaqay in xaasaska aysan booqanin raggooda ku jira xabsiyda. Magufuli wuxuu ka dhawaajiyay in camal la’aanta hayso maxaabiista ay u horseeday inay isticmaalaan daroogada iyo inay ku dhaqaqaan falal anshax xumo ah.
Ururrada u doodo xuquuqda rayidka ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Tanzania inuu samaynayo caddaalad darro.
Magufuli ayaa shacbiyda badan lumiyay tan iyo intii xilka qabtay kaddib markii bartilmaameedsaday warbaahinta iyo xubnaha mucaaradka dalkaasi.