Booliiska Tanzaaniya ayaa sheegay khamiistii in ay qorsheeynayaan xiridda dadweynaha ku nool tuullo ku taalla koonfurta Tanzaaniya, kaddib markii dadweynuhu ay burburiyeen tubbada biyaha gaarsiisa tuuladaas oo oomane ah.
Dadka ku nool tuulada Ngolo ayaa lagu eedeeyay in si bareer ah u burburiyeen tubbadii biyaha u keeni jirtay , iyaga oo biyaha ay ka hellaana geeyay deegaan daris la ah tuulada.
Guddoomiyaha gobolka ay tuulada ka tirsantahay ayaa arbacadii amray in la soo xiro dhammaan dadka ku dhaqan tuulada iyada aan loo fiirineyn xaaladaha ay ku suganyihin.
Iyaga oo ka jawaabaya amarka ayay booliiska Tanzaaniya Khamiistii, booliis wata baabur faro badan geeyeen tuulada si ay usoo xiraan dadka halkaas ku nool oo ku eedeysan in ay jabiyeen tubbadda biyaha .
Taliye u hadlay ciidanka Tanzaaniya ayaa sheegay in dadka tuulada ku dhaqan ay sameeyeen dibindaabyo dhaqaale sidaa darteedna ay soo xirayaan, isaga oo intaa in aan loo dulqaadan karin in la burburiyo hanti dawladdu lacag ku bixisay.
Tuulada oo ku taalla koonfurta Tanzaaniya ayaa waxaa ku nool dad gaaraya 1600 oo qof, waana deegaan oomane ah oo ay biyuhu ku yaryihiin.