
Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad sida xirmooyinka Tallaalka Covid-19 ee ee AstraZeneca. Xirmooyinka Tallaalkaan ayaa ka kooban 300, 000 kum oo xirmo.
Wakiilka Qaramada Midoobeey ee Soomaaliya James Swan iyo Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Nuur Abiikar ayaa goobjoog ka ahaa dajinta tallaalka markii diyaarada sida ay Muqdisho soo gaartay. Tallaalka ayaa waxaa keenay diyaarad gaar ah oo Qaramada Midoobay leedahay.
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadashay gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa sheegtay in tallaalka uu maanta Daah-furi doono oo meelo badan oo dalka uu ka bilaaban doono.
Wasiirka ayaa sheegtay in shaqaalaha caafimaadka, dadka da’da ah iyo dadka qaba xanuunada raagga ama lala noolada lagu bilaabi doono marka hore.
Tallaalka COVID-19 ayaa ka yimid xarunta COVAX, oo ay Gacanweyn ka geysatay Hey’adda GAVI iyadoo dajintiisa ay qeyb weyn ka qaateen hay’adaha Qaramada Midoobay. Qeybta labaad ayaa la filayaa in ay imaan doonta Isbuucyada iyo bilaha soo socdo.
Tallaalka AstraZeneca ee Covid-19 ee maanta soo gaaray Soomaaliya ayaa qeyb ka ah barnaamijka Qaramada Midoobay ee Covax ee lagu caawinayo dalalka Afrika ee aan iibsan karin Tallaalka.