Taliye ku xigeenkii xilka laga qaaday ee hey’adda NISA oo xil kale loo magacaabay

992

Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la taliye sare oo golaha shacabka ah loogu magacaabay C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ahaa taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugida qaranka ee NISA.

Cabdiqaadir ayaa dhawaan kamid ahaa shakhsiyaadkii uu madaxaweynaha Soomaaliya xil ka qaadista ku sameeyay waxaana haatan uu u weecanayaa shaqooyinka golaha shacabka oo uu la taliye sare uga noqonayo xafiiska gudoomiyaha golaha Shacabka barlamaanka Soomaaliya.