Muqdisho (UM) – Shir aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimo dhawr ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, canshuuraha iyo magacaabista Taliyayaasha Nabad Sugidda, Boooliiska iyo Asluubta.
Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ayaa loo magacaabay Xuseen Cismaan Xuseen oo hadda ah wasiirka ku xigeenka Wasaradda Cafimaadka.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay Jeneraal. Bashiir Axmed Maxamed oo hadda ah ku xigeenka Taliyaha Booliiska.
waxaa Sidoo kale loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye guuto Bashiir Maxamed Jaamac oo horrey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta, haddana ah taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Ciidamada.
Taliyayaashii Nabad Sugidda iyo Booliiska ayaa xilalka laga qaaday bishii Octoober ee sanadkii hore kaddib qaraxyadii dadka badani ay ku dhinteen ee Isgooyska Zoobe iyo Hoteelka Nasa-Hablood ee magaalada Muqdisho.
Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale maanta ansixiyay sharciga shirkaddaha oo ay soo gudbisay wasaaradda ganacsiga iyo warshaddaha.