Taliyaha sirdoonka dalka Suudaan Saalax Maxamed Cabdalla ayaa manta soo gaaray magaalada muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyay taliyaha hey’adda sirdoonka soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen.
Wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda ayaa ilaa iyo saaka xirnaa, iyada oo la arkayay ciidan waddooyinka tuban.
Taliyaha sirdoonka ayaa kulamo kala geddisan la qaadan doona masuulyiinta sarsare ee hey’adda siroodoonka iyo nabadsugidda soomaaliya.
Booqashada Saalax Goosh ee Muqdisho ayaa ahayd mid aan horay loo sii shaacin, waxaana sida wararka hordhaca ah lagu helayo ujeedada ka dambeysaa tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta hay’adaha sirdoonka Soomaaliya iyo Sudan.
Waa markii ugu horreysey ee Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee Sudan (NISS), Jeneraal Saalax Cabdalla Goosh uu booqasho ku yimaado dalka Soomaaliya, tan iyo markii xilkaas mar labaad dib loogu soo magacaabay February 12, 2018.
Lama oga sababta rasmiga ah ee boqashada taliyaha iyo inta bari ay qaadan doonto.