Ujeedada booqashada Taliyhaha ayaa ahayd sidii loo dhiiro gelin lahaa Naafada Ciidanka Xoogga Dalka ee kunool isbitalkaasi,wuxuu sheegay in ay dadaal u galidoonaan sidii caafimaad dibadda ah loogu qaadi lahaa Naafadda kuwoodi oo xaaladoodi caafimaad aan Dalka waxba looga qaban Karin.
Taliye C/weli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa wuxuu ugu deeqay lacag dhan 5000 kun oo dollar naafadda Martiin,taasi oo uu ku sheegay in loogu talagalay in lagu dhiirogeliyo nolosha qoysaskada askartasi.
Intii uu joogay halkaasi wuxuu kormeer ku sameeyey qeybaha uu ka kooban yahay isbitalkasi Mrtiini iyo dhismayaasha cusub ee halkaasi ka socda,wuxuuna dhiirogeliyay howlaha dib u dhiska halkaasi ka socda.