Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta oo xilka la wareegay (Sawiro)

998

Taliyaha Cusub ee Taliska Ciidanka Asluubta ayaa maanta xilka si rasmi ah ula wareegay xilka.

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac si rasmi ah uu ula wareegay Xilka taliyaha ciidanka Asluubta oo dhawaan loo magacaabay.

Munaasabadda Xil wareejinta waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada qalabka sida, Guddoonka Maxkamadda Ciidamada, Wasiirro, Xildhibaanno, Saraakiil Ciidanka iyo marti sharaf kale.