Taliyaha ciidanka Xoogga oo ka hadlay dhacdadii maanta ee Xerada tababarada ee Gordan

1188

Muqdisho (UM) – Taliyaha Ciidanka Soomaaliya Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa ka hadlay isku dhac la sheegay in maanta inuu ku dhexmaray xerada Jeneraal Gordan ee dhawaan ay baneeyeen tababarayaasha dowladda Imaaraadku ciidamadii horrey u sugnaa iyo ciidamo kale oo ka tirsan dowladda.

Taliyaha ayaa sheegay in la soo qabtay askartii ka tirsanayd Xerada tababarada Jeneraal Gordan ee isku dayey in ay halkaas kala baxaan saanad iyo agab ciidan oo ku xeraysaana keydka xerada.

Taliye Gorod ayaa sheegay in is-rasaaseyn ay ka dhacday xerada kaddib markii ay halkaas soo gaareen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo la faray in ay gacanta ku soo dhigaan askartan ku kacay falkaas aan lagu aqoon Ciidanka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Xoogga Dalka waxa ay hadda gacanta ku hayaan askartii iyo Saraakiishii ka danbeeyey dhacdadaan, inkastoo ay tira ahaan aad u yaryihiin haddana waa mid aan marnaba la qaadan karin, waxaanna ballan qaadeeynaa in aan hor keeni doonno sharciga.” Ayuu yiri taliye Gorod.

Xerada tababarada ee General Gordan oo ay horrey u Maamuli jirtay dowladdq Imaaraadka Carabta ayay dowladda Soomaaliya saddex maalin ka hor sheegtay in ay la wareegtay.