Taliyaha ciidamada dowladda Uganda ee hoos taga howl galka Midowga Africa, ee (AMISOM) Kayanja Muhanga, ayaa sheegay in Soomaaliya wali ay tahay waddan aan deganayn oo wali xasarado ay ka jiraan.
Isagoo warbixin kooban siinayay ku xigeenka cusub ee gudoomiyaha Midowga Africa ee Soomaaliya Simon Mulongo, ayaa taliyahan waxaa uu soo hadal qaaday caqabadaha ay wajahayaan ciidamada AMISOM ee ka howl gala Soomaaliya tan iyo 2007 dii.
Awood yarida dhanka ciidamada cirka, xaaladaha adag, goobaha howlgalada oo la kordhiyay iyo gaadiidka dagaalka ciidanka lugta iyo wadooyinka oo burbursan ayuu sheegay inay yihiin kuwa murjiyay howl-galka nabad ilaalinta ururka Midowga Africa ee Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay soo saareen ciidamada difaaca dadka ee dalka Uganda (UPDF) oo uu soo xiganayo wargayska New vision ee dalkaasi ayaa Mr.Muhanga waxaa sidoo kale farta ku fiiqay dhibaatada ka taagan Soomaaliya, isagoo oo sheegay in Soomaaliya wali ay tahay waddan xasarado ay ka oogan yihiin.
” Soomaaliya wali waxaa ka taagan dhibaatooyin badan, kuwaasi oo u baahan in la darso. Waxaa ka mid ugu wayn, isku dhaca ama hurgufta Beelaha, lanaanshaha dhul beereedyada iyo waliba dhaqaalaha gaar ahaan dekadda Marka” ayuu sheegay.
Isku dhacyadaan waxaa ay noqdeen kuwo abuuray xaalado adag, ayadoo al-Shabaab-na dhowr jeer ay u isticmaaleen inay nagu soo weeraraan, ayuu intaasi ku daray taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan.