Taliban oo Pakistan kula kulmaysa dhaxal sugaha Sacuudiga

912
Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxammed bin Salmaan ayaa la filayaa inuu la kulmo wakiilo ka socda Taliban inta uu booqanayo Pakistan. Sawirka: Reuters

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxammed bin Salmaan ayaa la filayaa inuu la kulmo wakiilo ka tirsan ururka Taliban ee dalka Afgaanistaan inta uu ku guda Jiro booqashadiisa dalka Pakistan oo maalinta Axada ah u bilaabanaysa, sida ay sheegeen ilo dowladda Pakistani ku dhawdhaw, taasi oo qayb ka ah dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Afgaanistaan ​​ee 17-sano jirsaday.

Pakistan ayaa door muhiim ah ka ciyaartay wadahadallada nabada ee Afghanistan, kuwaas oo soo kordhay bilihii dhawaa iyada oo ay sii kordhayso rabitaanka Mareykanku uu ku doonayo inuu ciidankiisa la baxo.

Labo sarkaal oo ka tirsan saraakiisha sare ee Pakistan ayaa sheegay in dhaxal sugaha Sacuudiga boqor Salmaan ay u badan tahay inuu la kulmo wakiilada Taliban ee jooga Islamabad, halkaas oo ay mintidiintu u dagaalamayaan inay dib u soo celiyaan xukunka Islaamiga ah ee Afghanistan kadib markii laga saaray 2001-dii, waxa kale oo ay sheegeen inay la kulmi doonaan ergeyga Mareykanka iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan.

“ inkasta oo ay tahay arrin sir ah ilaa iyo hadda, haddana waxaa jira tilmaamo xooggan oo sheegaya in wakiilo ka tirsan Talibanka Afghanistan ay la kulmi doonaan boqor Salmaan inta uu ku guda jiro booqashadiisa Pakistan during February 18-keeda,” Ayuu yiri mas’uul Pakistani ah oo ku sugan caasimadda Islamabad.

Hoggaamiye sare oo ka tirsan Taliban kuna sugan dalka Qatar ayaa sheegay in aan wax go’aan ah laga samayn haddii ay la kulmayaan boqor Salmaan.

“ xaqiiqdii kulanka boqor Salman qorshaha nooguma jiro balse waxaan ka hadli karnaa marka aan tagno Islamabad,” Ayuu yiri wakiil ka tirsan Taliban oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.