
Uruurka Taliban ee ka dagaalama dalka Afghanistan ayaa sheegay in aysan hadda kaddib bartilmaameedsan doonin ciidamada ammaanka , Booliiska iyo shaqaallaha dowladda ee Afghanistan, iyadoo ay korortay tirada khasaaraha ka dhasha weeraradaan.
Kooxda hubaysan ee Taliban ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku shaacisay maanta jimco ah ” in cafis guud loo fidiyay dhammaan qeybaha kale duwan ee Hay’addaha Milateriga, sida, Ciidamada amaanka, Booliiska, iyo shaqaallaha dowladda, so loo nabad galiyo ama loo ilaaliyo naftooda iyo hantidooda”.
Taliban waxa ay sheegtay sidoo kale in bartilmaameedkeeda ugu wayn ee weerarada ay qaado uu ku wajahan yahay ciidamada Mareykanka iyo xullafadooda ku sugan dalka Afghanistan.
“Ciidamadaan amniga , si kastaba, waa ciidamadeena kuwaasi oo si qaldan ama qaldan ama sababo ugu qeyb noqday hawlaha Mareykanka” ayaa lagu yiri qoraalka Taliban ka soo baxay.
Kooxda Taliban ayaa weeraro isagu jira qaraxyo iyo weerar toos ah ok bartilmaameedsada ciidamada Mareykanka iyo xulafadooda iyo xarumaha dowladda, weeraradaasi oo inta khaasare xoogan uu ka soo gaaro dadka rayid ka ah.