Taliban ayaa diidday in ay la xaajooto guddi ay magacowday dowladda cusub ee Afghansitaan taas oo u muuqata dib u dhac ku yimid dadaalada Mareykanka ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda dalkaas.
Afhayeenka Taliban Zabibulah Mujahid ayaa sheegay in guddiga ka kooban 21 xubnood ee dowladda Afghanistaan ay magacowday aysan u dhammeyn dhammaan dhinacyada Afghanistaan.
Khamiistii wasaarradda Nabadda ee Afghanistaan ayaa ku dhawaaqday guddiga iyada oo ergayga Maraykanka ee Afghanistaan Zalmay Khalil Zad uu si weyn u ammaanay isaga oo tilmaamay in loo dhanyahay.
Guddigaan uu madaxda u yahay agaasimihii hore ee sirdoonka Afghanistaan Mascuud Sanzei oo xulafo dhow la ah Ashraf Ghani ayaa waxa kale oo ku jira siyaasiyiin, xubno bulshada rayidk ah iyo shan dumar ah .
Marrykanka ayaa Taliban la saxiixday heshiis ay ciidankooda kala baxayaan Afghanistaan. Heshiiskaas oo lagu saxiixay magaalada Dooxa ee dalka Qadar ayaa waxaa qodobada ka mid ahaa in maxaabiista Talibana ee gaaraya 5ta kun la sii daayo.
Dowladda Afghansitaan ayaa se shuruud uga dhigtay in marka hore Taliban ay la hadasho dawlada Afghanistaan, markaas kaddibna laga wadahadli karo arrimo badan.
Afhayeenka Taliban ayaa sheegay in guddigaan aan loo dhammeyn oo uusan ka turjumeyn dhammaan dhinacyada Afghanistaan.