Taliban oo Afghanistan uga dhawaaqday xabbad-joojin saddex maalin ah

831
Taliban oo Afghanistan uga dhawaaqay xabbad-joojin saddex maalin ah. BBC

Kooxda Taliban ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin ay la sameysay dowladda Afqaanistaan ​​taas oo dhaqan galaysa marka munaasabada Ciidul Fidriga ay bilaabato maalinta (Axadda).

Waxay daba socotaa koror ku yimid weerarada kooxda xagjirka ah ee Islaamiyiinta ah ee ka dhanka ah ciidamada dowladda usbuucyadii la soo dhaafay.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa soo dhoweeyay ku dhawaaqida, wuxuuna sheegay in ciidamadiisa ay ixtiraami doonaan shuruudaha xabad joojinta.

Xabbad-joojinta saddexda maalmood ah ayaa la rajaynayaa in ay sare u qaaddo rajada laga qabo dhimista muddada dheer ee rabshadaha dalka.

Laakiin xabbad joojin la mid ah ayaa lagu dhawaaqay isla ciddii sanadka 2018 lamana kordhinin.

“Ha ku dhaqaaqin wax hawlgallo oo ka dhan ah cadowga meel kastoo aad joogtid. Haddii cadowga soo qaado tallaabo idin ka dhan ah, isdifaaca, ”Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa Sabtidii yiri.

Waxa uu sheegay in xabbad joojinta ay tahay oo kaliya maalmaha Ciidul Fitriga, oo loogu dabaaldegayo dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Madaxweyne Ghani wuxuu soo dhoweeyey ku dhawaaqida wuxuuna sheegay inuu faray millatariga in ay u hogaansamaan.

Khudbad Telefishinka toos looga siidayay ayuu ka sheegay qasriga Madaxtooyada salaadda Ciidda kadib, “Annaga oo ah dowlad mas’uul ah, waxaan sidoo kale dooneynaa inaan tallaabo kale hore u qaadno.

” Waxaan ku dhawaqay dardargelinta siideynta maxaabiista Taliban waxaana la qaadi doonaa tallaabooyin dhab ah” ayuu yiri madaxweyne Ghani.

Isdhaafsiga maxaabiista ayaa lagu heshiiyay heshiiskii Mareykanka iyo Taliban ee la saxiixay bishii Febraayo, laakiin wuxuu caqabad weyn ku noqday inta lagu jiro wadahadallada nabada. Waxaa loola jeeday in ay ahayd tallaabo lagu soo afjaray dagaalka, laakiin Taliban waxay leedahay saraakiisha Afghanistan waxay isku dayayaan in ay dib u dhigaan sii-deynta maxaabiista, halka saraakiisha Afghanistaan ay ka cawdeen dalabka Taliba oo aan macquul ahayn.