Ururka Daalibaan iyo Mareykanka ayaa si wadajir ah waxay iskugu raaceen qaab dhismeedka heshiis qabyo ah kaas oo wadada u xaaraya wadahadal dhexmara Daalibaan iyo dowladda Afghanistaan sidaas waxaa laga soo xigtay u qeybsanaha Mareykanka ee wada hadalada Daalibaan Zalmay Khalil Zad.
Wargeyska New York Times oo soo xiganaya u qaybsanaha Mareykanka ee wadahadalada Afghanistaan Zalmay Khalil Zad ayaa sheegay in horumaro laga gaaray wadahadalada labada dhinac, hayeeshee aan wali la isku raacin xabad joojin iyo waqtiga ay baxayaan ciidamada shisheeye.
Zalmay Khalil Zad oo asalkiisu yahay Afghani ayaa dhawaanahaan hoggaaminayay wadaxaajood lagu dhameynayo dagaalka 17 jirsaday ee ka socda dalka Afghanistaan.
Kooxda Daalibaan ayaa wali ku adkeysaneysa mowqifkeeda ahaa in aysan wax wadahadal ah la yeelan doonin dowladda Afghanistaan oo ay u arkaan mid maqaarsaar u ah Mareykanka.
Zalmay Khalil oo axaddii tagay magaaladda Kabul ee dalka Afghanistaan si uu dowladda Afghanistaan uga warbixiyo halka ay wax marayaan ayaa sheegay in wadahadalada ay meel fiican marayaan .
Daalibaan ayaa shuruudaha ay hordhigtay waxaa ka mid ah in ciidanka shisheeye dalka laga saaro iyo xayiraadda laga qaado madaxda Daalibaan.