Wararka laga helayo xeebaha dalka Liibiya ayaa waxaa ay sheegayaan in 31 muhaajiriin ah ay geeriyoodeen ka dib markii dooni ay saarnaayeen ay ku qallibantay badda Mediterranean-ka.
Dadkan geeriyooday ayaa waxaa ay isku dayayeen inay biyaha dalka Libya ay ka gudbaan oo ay gaaraan dalalka Yurub.
Warbaahinta Caalamiga ah ayaa Ku waramay in badda dadka ku dhintay ay qayb ka ahaayeen carruur ka mid ahaa rakaabka doonida qalibantay.
Ku dhowaad 60 ayaa la sheegay in la badbaadiyay.
Waxaa sidoo Kale doon Kale looga soo qaaday halka musiibadu ay ka dhacday Ku dhowaad 140 qof oo muhaajiriin ah.
Ciidamada badda Liibiya ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 250 qof ayadoo ciidamada ilaalada xeebaha dalka Telyaaniga ay khamiistii badbaadiyeen 1,100 qof oo tahriibayaal ah.
Dhacdadaan ayaa Sabtidii waxaa ay ka dhacday xeebaha Garabulli oo 60 kilometer u jira magaalada Tripoli ee xarunta dalka Liibiya.