Sweden oo Maraakiib dagaal iyo ciidamo usoo dirtay xeebaha Soomaaliya

961
Thomas Olsson. Photo: Magnus Jirlind/Armed Forces

Dowladda Sweden ayaa ciidamo loogu talagalay in ay la dagaallamaan Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida waxa ay usoo dirtay Xeebaha Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa kasoo baxay Magaalada Gothenburg, ee dalka Sweden, waxaana maalmaha soo socda ay soo gaari doonaan Xeebaha Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Midowga Yurub ee lagu dagaallamo Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Waxa ay wataan Ciidamadaan diyaarado ah kuwa Qumaatiga u kaca iyo sidoo kale Maraakiib dagaal.

Waxaa ugu horeeya ayaa ah inaan ilaalino maraakiibta Gargaarka  ee u socda Soomaaliya ,waxaana sidoo kale Xeebaha Soomaaliya aan u tageynaa inaan Xoojino la dagaalka Kooxaha Burcadbadeeda “waxaa sidaasi yiri Major Thomas Olsson, oo ah taliyaha Ciidamada Sweden ee Xeebaha Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay soo cusboonaatay Qatarta Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ay ka waddaan Xeebaha Soomaaliya iyo sidoo kale meelaha ka baxsan Sanadkaan.

Kooxaha Burcadbadeeda ayaa geystay dhowr Weerar sanadkaan gudihiisa,waxaana taasi ay cabsi ku abuurtay Maraakiibta Ganacsiga