Gantaal ay soo rideen Maraykanka iyo xulafadiisa oo Ku wajahan dalka Suuriya (Xuquuqda Sawirka Aljazeera English)
Dowladaha Maraykanka, Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa weerar Ku qaaday dalka Suuriya gaar ahaan xarumo lagu kaydiyo lagana soo saaro hubka sunta ah ee Kiimakada (Nerve Agent chemical weapons) madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sidaasi shaaca ka qaaday maanta oo Sabti ah.
Weerarka ayaa jawaab u ahaa weerarkii sunta ahaa ee dhowaan lagu qaaday Shacabka magaalada Duma ee dalka Suuriya kaasi oo lagu eedeeyay dowladda Bishaar al-Asad.
Haddaba hoos ka akhriso wararkii ugu dambeeyay weerarka lagu qaaday Suuriya
Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay: Haddii dowladda Suuriya ay adeegsato weerar sun ah, Maraykanka markale sidaan oo kale ayuu jawaab adag uga bixinayaa
Safiirka dowladda Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley, waxaa ay tiri ” weerarka lagu qaaday Suuriya waxaa uu ahaa mid saxan oo laga shaqeeyay”.
“Dowladda Maraykanka iyo Xulafadeeda waxaa ay sameeyeen wax walba oo dhanka Diblumaasiyadda ah in dowladda Suuriya aysan isticmaalin weerar sun ah. Ma aanan siinin Kali ah hal Jaanis. Diblumaasiyaddu waxaan siinayay waqti badan – Lix jeer ayaan siinay, 6-da jeerna Ruushka ayaa Golaha Ammaanka u isticmaalay codkiisa Veto-ga” Haley, ayaa sidaa tiri.
“Subaxdan waxaan la hadlay madaxwaynaha (Trump) waxaa uu ii sheegay haddii dowladda Suuriya markale ay adeegsato weerar sun ah in Maraykanka u jawaab tan ka adag uu ka bixinayo. Haddii madaxwaynaheena uu kasoo gudbo diilinta waxaa uu a wood siinaya diilinta uu soo dhaafay” ayay intaasi Ku dartay.
Ruushka—Qaramada Midoobay: Ruushka ayaa cambeereeyay weerarka waxaana uu Ku tilmaamay inuu ahaa fal ‘ Daandaansi oo ka dhan ah Suuriya, waxaana uu u yeeray Golaha Ammaanka kana dalbaday inuu camvaareeyo weerarkaasi.
Diblumaasiyiinta Ruushka ayaa Golaha Ammaanka isugu wacay in laga shiro qaraarna laga soo saaro weerarka militari ee lagu qaaday dalka Suuriya.
Baarayaasha iyo khubarada ka socda hay’adda Caalamiga ah ee Dunida u qaabilsan Mamnuucidda Isticmaalka Hubka Kiimakada ah ee la yirahdo Organisation for the Prohibition of Chemical Weapons (OPCW) ayaa Ku dhawaaqay inay gaareen magaalada Dimishaq (Damascus) ee Caasimadda dalka Suuriya.
Khubarada Kiimakada ee ka socda hay’adda Caalamiga ee OPCW, ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday Suuriya aanu saamayn doonin howlaha ay dalka Suuriya u yimaadeen islamarkaana ay howshooda Ku dhaqaaqi doonaan taasi oo ah inay baaraan weerarka Sunta ahaa oo la sheegay in dowladda Suuriya ay Ku qaaday dadka Shacabka ah ee Ku nool magaalada Duma.
Shaqada OPCW, oo ah mid sanadkii 2003-kii ay Ku guulaysteen abaal-marinta Nobel Peace Price, ayaa haddana waxaa howlgalkooda mamnuuc hadda ka ah in haddii ay soo xaqiijiyaan in Duma, loo isticmaalay hubka sunta ah ee Kiimakada inaysan dusha usaarin Karin cid gaar ah, xitaa Ruushka iyo Suuriya.
Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa weerarka lagu qaaday Suuriya Ku tilmaamay ‘mid sax ah’.
Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa soo dhoweeyay weerarka Maraykanka iyo Xulafadiisa ay ku qaadeen Suuriya, isagoo sheegay in uu ahaa mid sax ah oo loo baahnaa jawaabna uu u yahay weerarka Sunta ahaa ee ka dhacay magaalada Duma.
Ra’iisul wasaaraha Turkiga r Binali Yildirim, ayaa yiri ” Weerarka Suuriya lagu qaaday waxaa uu ahaa tallaabo Sax ah oo horay loo qaaday, Dadka reer Suuriya waxaa la gumaadayay muddo ka badan 7 Sano”.
Pentagon: Weerarka dhanka cirka ah ee Maraykanka Ku qaaday Suuriya waxaa mid hoos u dhac wayn Ku ah dowladda Suuriya
Lieutenant-General Kenneth F McKenzie Jr, Agaasimaha Talista militariga dalka Maraykanka ayaa waxaa uu sheegay in weerarka uu Dowladda Suuriya Ku yahay hoos u dhac wayn sidoo kalena uu yahay daliilka cad ee halista uu wajihi karo maamulka Bishaar al-Asad-ka dowladda Suuriya.
McKenzie, ayaa waxaa uu sheegay in aanu jirin gantaal ay tuureen oo Suuriyiintu ay soo rideen. Waxaa uu tilmaamay in dhammaan gantaaladii ay tuureen ay Ku dhaceen goobihii bartilmaameedkooda uu ahaa sidoo kale diyaaradaha Maraykanka iyo kuwa xulafada duulaanka ka qayb galay si nabad ah ay Ku soo guryo noqdeen.
McKenzie, waxaa uu intaasi Ku daray in Maraykanka uu heegan buuxa uu Ku jiro diyaarna uu u yahay in jawaab aargoosi ah ay ka bixiyaan weerar ka yimaada dowladda Suuriya.
Weerarka ayaa Maraykanka iyo xulafadiisa waxaa ay u qoondeeyeen inay qaadaan 4-ta am ee sacadda dalka Suuriya.
Dana W White, gabadha Afhayeenka u ah wasaaradda Gaashaandhigga dalka Maraykanka ee Pentagon, ayaa waxaa ay sheegtay in weerarkii Sunta ahaa ee magaalada Duma, loo isticmaalay inay ahayd wax marmarsiinyo laga dhigan karo. Waxaa ay intaa Ku dartay in weerarka ay arintaasi kaga jawaabeen uu kusoo gabagaboobay si guul ah.
Howl-galada dowladda Suuriya ka dib weerarka
Waa sawir ay sii daysay wakaaladda dowladda Suuriya ay maamusho ee SANNA, waxaa uu muujinayaa burburka loo gaystay xarun cilmi baaris oo Kiimakada ah oo Ku taala duleedka magaalada Dimishaq (Xuquuqda Sawirka SANA waxaan ka soo qaadanay Website-ka Television-ka Aljazeera English, ayaguna waxaa ay ka soo qaateen wakaaladda wararka AP]
Trump oo ka hadlaya howlgalka Maraykanka Maraykanka iyo xulafadiisa UK iyo Faransiiska ay Ku qaadeen Suuriya: Howl galka Guul ayuu Ku soo Dhammaaday
A perfectly executed strike last night. Thank you to France and the United Kingdom for their wisdom and the power of their fine Military. Could not have had a better result. Mission Accomplished!
Television-ka dalka Ruushka laga leeyahay RT (Russian Today) oo baahiyay cambaaraynta madaxwaynaha dalka Ruushka ee weerarka lagu qaaday dalka Suuriya [ Xuquuqda Sawirka Gleb Garanich/Reuters]Television-ka laga leeyahay dalka Ruushka ee Russian Today ayaa baahiyay in madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin oo cambaaraynaya weerarka lagu qaaday dalka Suuriya.
Putin, waxaa uu sheegay in weerarka uu ahaa mid gardarro ah islamarkaana keeni karta barakac wayn ee dalka Suuriya ka dhaca.
Warbaahinta Sputnik, ee dalka Ruushka ayaa baahiyay war Ku Aadan in Militariga Ruushka uu sheegay in Dowladda Suuriya ay soo riday inta badan gantaalladdii lasoo ganay.
Television dalka Iiraan laga leeyahay ee Press TV ayaa baahiyay in hogaamiyaha sare ee dalka Iiraan Ayatullahi Khumayni oo sheegaya in weerarka uu ahaa mid ” Dambi ah”.
Television-ka Al-Manar oo Ku hadla afka kooxda Hisbullah ayaa daabacay war qoraal ah oo ururkaasi uu soo saaray oo weerarka Ku tilmaamaya inuu ahaa mid liddi Ku ah shuruucda Caalamiga ah iyo xad-gudub loo gaystay midnimada dalka Suuriya.
Warbaahinta Ruushka ayaa sidoo kale baahiyay Ruushka oo sheegaya in 71 gantaal gaar ahaan kuwa loo yaqaano (cruise missiles) oo ay soo tuureen Maraykanka, UK iyo Faransiiska.
Waa maxay noocyada hubka lagu weeraray Suuriya iyo Tiradooda?
Lieutenant-General Sergey Rudskoy, oo ah sarkaal sare oo militariga dalka Ruushka ayaa shir jaraa’iid uu Ku qabatay magaalada caasimadda ah ee Moscow ayaa waxaa uu sheegay in guud ahaan 103 gantaal oo isugu jira kuwa loo yaqaano (cruise missiles) iyo kuwa loo yaqaano Tomahawks.
Rudskoy, waxaa uu intaa Ku daray in Ruushka uu sugi doono Ammaanka Hawada dalka Suuriya.
Kaalin intee la eg ayuu Faransiiska Ku lahaa weerarka?
Faransiiska ayaa sheegay inay 12 gantaal ah ay Ku ganeen dalka Suuriya muddadii uu howlgalka ka socday dalka Suuriya waabarrigii maanta oo Sabti ah.
UK: Maxay ka yirahdeen weerarka Suuriya?
Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska Haweenayda la yirahdo Teresa May, ayaa sheegtay in duullaanka uu ahaa mid si wanaagsan looga shaqeeyay si wanaagsan loo fuliyay. Waxaa ay shaki galisay mustaqbalka madaxwaynaha dalka Suuriya Bishaar al-Asad iyo xalka siyaasadeed dalkaasi.
Germany:
Weerarka waxaa uu ahaa mid laga ma maarmaan ah islamarkaana loo baahnaa mar un in jawaab laga bixiyo weerarka sunta ahaa ee ka dhacay magaalada Duma.
Ugu dambayntii: Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Faransiiska ayaa sheegay in Ruushka digniin loo diray ka hor inta weerarka uusan dhicin.
Dowladda Turkiga ayaa si toos ah loo war galiyay weerarka iyo xilliga uu dhacayo.