Gantaal wayn oo looga shaki qabo inay soo rideen diyaaradaha dagaalka dowladda Suuriya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in manta oo Axad ah uu ku habsaday xero ay ku nool yihiin dad ka soo cararay dagaalada ka taagan dalkaasi.
Gantaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu ku habsaday xero barakacaayl oo ku taala gobalka Idhlib ee dalka Suuriya.
Illaa iyo hadda lama soo warin qasaare rasmi ah oo uu gaystay, hase ahaate arinta gantaalkan micnaha u yeeshay ayaa ah in xerada dadka ku nool ay yihiin dad guriyo xooshado laga sameeyay ku nool islamarkaana goobta xerada ay tahay goob meel lagu gabado aan lahayn.
duqayntan cusub ayaa ah mid carqaladaynaysa heshiiskii magaalada Astaana ay ku gaareen dowladaha Ruushka, Iiraan iyo Turkiga.