Suuriya: Duqayn lagu dilay 16 Carruur ah oo ka dhacay Bariga Ghouta

738
Dhimaha burbursan iyo Qiiqa ka dhashay duqaynta ka soconaysa Bariga Ghouta (Xuquuqda Sawirka ANADOLU AGENCY)

Ugu yaraan 16 Carruur ah iyo labo Haween ah ayaa geeriyooday ka dib markii Diyaaradaha dagaalka dalka Suuriya ay duqeeyeen Iskuul Ku yaala bariga Ghouta ee dalka Suuriya.

Television-ka Aljazeera laantiisa afka Ingiriiska oo soo xiganaya ilo Ku dhow dhow halka ay mushkiladdu ka dhacday ayaa baahiyay in Iskuulka la duqeeyay uu ahaa goob ay dadku gabaad kaga dhiganayeen weerarada dhanka cirka ah ii Muddo Ku dhow hal bil si aan kala joogsi la’hayn uga soconaya Bariga Ghouta ee dalka Suuriya.

Carruurta 16-ka ah iyo labada Haweenka ah ee geeriyooday ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen dadka Iskuulka la duqeeyay Ku sugnaa.

Weerarada dhanka cirka ah ee dadkan lagu laayay ayaa ka dhacay magaalada Irbin, oo ka tirsan deegaanada go’doonsan ee Bariga Ghouta.

Wararka ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in duqaynta aan loo aabo-yeelin ee diyaaradaha dagaalka dowladda Suuriya dadka Ku dhintay ay tiradooda ay kor u dhaaftay 32 qof.