Suuriya: Dagaalyahnada Jaysh Al-Islaam oo faarujinaya Bariga Ghouta

895
Ciidamada dowladda Suuriya oo hareeraha ka taagan Basas wada kooxaha mucaaradka oo ka baxaya magaalada Harasta ee bariga Ghouta March 23 [File: Omar Sanadiki/Reuters]

MOQDISHO (UM)—Kooxdii ugu dambaysay oo ka tirsan dagaalyahnada mucaaradka dalka Suuriya ee ka dagaalamayay bariga Ghouta ee dalkaasi Suuriya ayaa la sheegayaa in heshiis ay la gaareen dowladda Suuriya kaasi oo ah inay Maleeshiyaadkooda iyo qoysaskooda ay ka daad-guraystaan goobihii ay ka dagaalamayeen.

Wakaaladda waearka dalka Suuriya oo magaceeda loo soo gaabiyo SANA, ayaa maanta oo Axad ah shaacisay warkan ah in dowladda Suuriya ay heshiis daadgurayn ah ay la gaartay kooxdii ugu dambaysay ee ka dagaalamaysay goobaha fara Ku tiriska ah ee ay bariga Ghouta kaga hareen mucaaradka dowladda Bishaar al-Asad.

Kooxdan oo lagu magacaabo Jaysh al-Islaam ayaa bariga Ghouta ka maamulayay magaalada ugu wayn bariga Ghouta taasi oo lagu magacaabo Duma.

Jaysh al-Islaam ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin warka ka soo baxay dowladda Suuriya ee lagu shaaciyay heshiiska.

Ciidamada dowladda Suuriya oo ay kaabayaan dagaalamayaal ka tirsan kooxda Xizbullah ee dalka Lebanon, awoodda cirka Ruushka iyo Maleeshiyaad ka amar qaata dowladda Iran ayaa la wareegay inta badan dhulka bariga Ghouta.

Ololaha dib u qabsashada dowladda Suuriya ee bariga Ghouta oo bilo ka hor bilowday ayaa waxaa lagu dilay kumanaan shacab ah oo aan waxba galabsan ayadoo kumanaan kale lagu dhaawacay.

Heshiiskan dowladda Suuriya maanta ay shaacisay ayaa yimid ayadoo maanta oo Axad ah ay Ku ekayd waqtigii kooxda Jaysh al-Islaam loo qabtay inay Ku faarujiyaan magaalada Duma iyo hareeraheeda.

Militariga dalka Suuriya ayaa Ku hanjabay in duqaymihii naxriis la’aanta ah ay dib u bilaabayaan maanta haddii kooxdaasi ay magaalada kaga bixi wayso xiliga loo qabtay oo maanta Ku ekaa.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters, ayaa horay xaaladda bariga Ghouta ka taagan ugu tilmaamay inay tahay ” Cadaabka Adduunka”.