Suudaan oo u yeertay safiirkeeda dalka Masar

769

Dowladda Suudaan, ayaa u yeertay safiirkeeda u fadhiyay dalka Masar ka dib markii sida muuqata Suudaan ay ka xanaaqday filamo laga sii daayay qaar ka mid ah Muuq-baahayaasha dalka Masar.

Film-kan dhaliyay xiisadda diblumaasiyadeed ee dalalka Masar iyo Suudaan ayaa ah filmo Musalsal ah oo xiliyada Ramadan-ka lasii daayo.

Musalsalaadkan oo cinwaankoodu uu yahay “Abu Amr al-Masry” ayaa waxaa laga baahiyay Muuq-baahiyada television-ka  ON TV lagu magacaabo.

War ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Suudaan ayaa waxaa lagu sheegay in filmadaasi ay dhaawacayaan kalsoonida dadka walaalaha ah ee reer Masar iyo reer Suudaan.

Warka wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Suudaan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in in Filmadaasi sidoo kale ay dhaawacayaan dadka Masaarida ah ee Ku sugan dalka Suudaan.

Xiriirka dowladaha Masar iyo Suudaan ayaan ahayn mid wanaagsan tan iyo intii madaxwaynaha dalka Suudaan Cumar Xasan al-Bashiir, uu Masar Ku eedeeyay inay taageeraan kooxaha mucaaradka ah ee dagaalanka kula jira ciidamada qalabka sida ee dalka Suudaan gaar ahaan kuwa ka dagaalama gobalka Darfur.