Suudaan ayaa dib ugu yeeratay safiirkeeda u fadhiyay Qaahira si ay ula yeelato wada tashi.Sidaas waxaa sheegtay wasaarada arrimaha dibadda Suudaan iyada oon bixin wax faahfahin la xiriirta inata uu joogi doono iyo sababta loogu yeeray.
Dhanka kale wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa sheegtay in ay ka baaraadageyso xaalada oo ay qaadan doonto tillaabo ku habbboon.
Xiriirka labada dal ayaa waxaa xumeeyay muran la xiriira lahaasnsha sadax xagalka Xayaaleb oo mid kasta sheegato in ay leedahay. Iyo waliba isticmaalka biyaha Niil oo Suudaan mara.
Suudaan waxay sannadkii la soo dhaafay mamnuucday badeecadaha beeraha ee lag soo dhoofiyo Masar, iyada oo Masar ku eedeysay fara-galin siyaasadeed.