Suudaan oo Cumar Al Bashiir u gacangalineysa Maxkamadda dambiyada dagaalka

631

Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in ay Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar al Bashiir u gacangalineyso maxkamadda dambiyadda dagaalka ee fadhigeedu yaahay magaalada Hague ee dalka Nederland.

Albashiir ayay horay maxkamaddu u soo saartay amar lagu soo xirayo isaga oo wajahaya eedo la xiriira xasuuq ka dhacay sannadkii 2003-da Gobolka Darfur ee dalka Suudaan.

Maxkamad ku taalla dalka Suudaan ayaa horay labo sano oo xarig ugu ridday Albashiir. Ciidanka dalka Suudaan ayaa bishii April ee sannadkii tagay xukunka kala wareegay Albashiir oo dalkaaasi xukumayay tan iyo 1989 markii uu afgambi ku qabsaday.

Maxkamadda dambiyada dagaalka ayaa si weyn u doondooneysay Albashiir iyo saraakiil kale oo lagu eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen xasuuq la sheegay in uu ka dhacay Gobolka Darfur ee galbeedka dalka Suudaan.