Sun halis ah oo loo diray Aqalka Cad

701
Baqshadaan ayaa la sheegay in Aqalka Cad loo diray oo Madaxweyne Trump ay ku socotay inta aan ka qaban. ( Sawirka): CNN

Bashqad lagu hagaajiyay Aqalka Cad ayaa la sheegay in ay ka sameynstahay walax  sun ah sidaas waxaa wariyay warbaahinta Mareykanka oo soo xiganeysa sarkaal amni .

Xirmada ay ku jirtay walaxda sunta ah ayaa la qabtay sabtigii sida uu sheegay Telefishinka CNN oo xigtay sarakiil ka tirsan Hey’addaha nabadgalayada oo magacyadooda la qariyay. Warbixinta Telefishinka CNN ayaa intaa ku dartay in  labo baaritaan lagu sameeyay si loo ogaado nuuca suntan ay tahay.

Dhinaca kale wargeyska New York Times oo soo xiganaya saraakiil aan la shaacin magacyadooda oo arrinta si dhow ula socda ayaa wariyay in warqadda dhawaan loo soo diray Aqalka Cad iyo Hey’addo Federal oo Gobolka Texas ah.

Baarayaasha ayaa rumeysan in laga soo diray walaxda sunta ah dalka Canada oo waxay aqoonsadeen haweeneey la tuhmayo in ay soo dirtay. Hey’adaha amniga Mareykanka ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin dheeri ah ka bixiyaan arrintaan.