Wasaaradda difaaca Sucuudiga ayaa soo bandhigtay haraagii ay sheegtay in lagu sameeyay Iiraan oo lagu weeraray xaruumaha shidaalka shirkadda Aramco. Waxyaabaha la soo bandhigay ayaa kala ah burburka diyaardaha duuliye la’aanta iyo haraaga gantaalaha laga gano maraakiibta.
Wasaaradda difaaca Sucuudiga ayaa sheegtay in 18 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo todobo gantaalaha markaaiibta la rido ah loo isticmaalay weerarka. Jihada ay ka yimaadeen ayaa la sheegay in ay tahay meel aan Yaman ahayn oo ka baxsan dalka Yaman .
Kooxda Xuutiga ayaa horay u shegatay masuuliyadda weerarka lagu qaaday Sucuudiga, hayeeshe Sucuudiga iyo xulafadiisa ayaa tuhmaya in weerarku ka yimid meel Yaman ka baxsan. Iiraan oo lagu eedeeyay ayaa dafirtay in ay wax lug ah ku leedahay weerarka, iyada oo ku hanjabtay in haddii la weeraro ay isdifaaci doonto.
Maraykanka ayaa eedeyn xooggan u jeediyay Iiraan waxaana xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo oo safar ku yimid Sucuudiga uu sheegay in Maraykana aysan waxba iska badalin cidda ay ku eedeynayaan oo Iiraan ay wali farta ku godantahay.
Madaxweyne Trump ayaa isagana sheegay in Maraykanku ay u furanyihiin qaabab badan oo ay uga jawaabi karaan tan ugu adagna ay ka mid tahay, laakiin se aysan ay wali ka warsugayaan waxaa soo baxa.
Caddeymo lagu soo bandhigay shir saxaafadeed ka dhacay wasaaradda difaaca Sucuudiga ayaa lagu sii xoojiyay eedeynta Iiraan. Afhayeenka wasaaradda difaaca Turki Al faysal ayaa sheegay in weeraku uu ka yimid jihada waqooyi Iiraana ay maalgalisay.
Afhayeenka ayaa se sheegay in wali Sucuudigu baarayaan halka rasmiga ah ee laga soo ganay gantaalihii lagu weeraray Sucuuidga. Afhayeenka ayaa intaas ku daray in xogta kombuurada ku xirnaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo laga helay goobaha la weerara ay muujinayan in ay Iiraan leedahay.
18 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu weeraray xaruunta shirkadda Aramco ee Abqaiq, halka weerarada gantaalaha lagu wada qaaday labada xaruumood, iyada oo afar ka mid ah gantaalaha oo todobo gaarayay ay haleeleen xaruunta shidaalka ee Khurais halka sadaxda ay ku dhaceen Abqaiq.
Weerarada ayuu afhayeenku sheegay in ay ka yimaadeen jihada waqooyi taas oo meesha ka saareysa sheegashada Xuutiga maadaama Yaman ay Sucuudiga uga beegan tahay jihada Koonfur. Maraykanka oo xulafo la ah Sucuudiga ayaa tillaabadii u horreysay maanta qaaday waxaana waaxda maaliyadda la amray in ay sii kordhiso cunoqabateynta Maraykanka ee Iiraan.