Sucuudiga oo eryay safiirkii dalka Canada

903

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sucuudiga ayaa axaddii shaacisay in ay dib ugu yeeraneyso danjiraheeda u fadhiya dalka Canada si ay ula sameeyso wada tashi, sidoo kalena waxay 24 gudahood ku amartay safiirka Canada in uu dalka uga baxo.

Sucuudiga ayaa  sheegtay in ay go,aansatay in ay  joojiso dhammaan heshiisyada ganacsi, iyada oo intaa ku dartay in ay xaq u leedahay qaadidda tillaabooyin kale.

Dawladda Sucuudiga ayaa caro ka qaaday  baaq ay wasaaradda arrimaha dibadda Canada ku qortay barta twitterka taas oo ugu baaqeysay masuuliyiinta Sucuudiga in ay sii daayaan u dhaqdhaaqayaal  xuquuqda aadanaha oo ku xiran dalka Sucuudiga.Waxaana ka mid ah u dhaqdhaaqayaashaas Samar Badawi.

“Hadalkaas waa mid aan xaq aheyn oo runta ka fog” ayaa lagu yiri hadal  ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga.

Sucuudiga ayaa  gabi ahaanba ku dhawaaqday in joojisay xiriirkii diploomaasiyeed iyo kii ganacsi .Canada ayaa ilaa hadda wax war ah ka soo saarin.