Xulka qaranka Spain ayaa si xun u gumaaday dhigooda Liechtenstein kulan ka tirsanaa isreeb reebka koobka aduunka loogu soo baxayo ee Group G..
Spain oo kulankii hore Santiago Bernabeu ku soo dubatay xulka ay markii hore cabsida wayn ka qabeen ee Italy ayaa xili horeba kulankan afka gashatay Liechtenstein oo aan garoonka wax iska caabinla sheegi karo la iman.
Spain ayaa qaybtii hore ee kulankan shaqada ugu badan iska sii horaysiisay iyada oo 4-0 ay dhulka xili horeba ku jiideen xulka qaranka ay martida u ahaayeen ee Liechtenstein kaas oo ceeb wayn garoonkiisa kula kulmay basle sidoo kale qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa ahayd bandhiga goolasha Spain uu halkeeda ka socday. Spain ayaa kulankan guul ku gaartay 8-0.
Macalimiinta labada xul ayaa safafkooda koowaad ee ciyaarta u soo xushay sidan
Liechtenstein XI (4-1-4-1): Jehle; Quintans, Malin, Kaufmann, Goppel; Buchel; Salanovic, Polverino, Wieser, Burgmeier; Hasler.
Kaydka:Brandle, Fabio Wolfinger, Ritter, Frick, Hobi, Erne, Yildiz, Mathias Sele, Hofer, Sandro Wolfinger, Aron Sele.
Spain XI (3-4-3): De Gea; Ramos, Pique, Monreal; Thiago, Busquets, Iniesta, Pedro; Isco, Morata, Silva.
Kaydka:Azpilicueta, Bartra, Saul, Deulofeu, Suso, Kepa, Nacho, Aspas, Alba, Vazquez, Asensio, Reina.