Spain oo qaabishay muhaajiriin ay diideen Malta iyo Talyaaniga

904

Dowladda Spain ayaa aqbashay in markabkii siday muhaajiriin gaaraya 629 qof kadib markii Talyaniga iyo jasiiradda Malta ay diideen in markabka uu ku soo xirto dekadohooda, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidaasi ku so warantay.

Markabkan ayaa muhaajirintaan oo ay ka mid ahaayeen 123 da’yar ah oo aan cidi wehlin, 11 caruur oo aad u yaryar iyo toddobo hawyn oo uur ah, ka soo qaaday doomo baca la buufiyay ka sameysan, kuwaasi oo ku sugnaa oo ka soo sharaacday xeebaha Libya.

Da’yarta ayaa u dhaxeysay 13 ilaa 17 jir, waxa ayna ka kala yimadeen Eritrea, Ghana, Nigeria iyo Sudan, sida uu sheegay weriye, Anelise Borges oo saarnaa markabka.

Ra’isalwasaaraha Spain Pedro Sanchez, kaas oo xilka la wareegay toddobaad ka hor ayaa markaba u ogolaaday in uu ku xirto deked ku taalla bariga magalada Valencia.

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ee Taliyaaniga Matteo Salvini ayaa diiday in Markab soo badbaadiyay muhaajiriin ay tiradooda dhan tahay 629 oo qof uu ku soo xirto dalka Taliyaaniga.

Mr Salvini, oo hogaamiya xisbiga garabka midig ayaa warqad u qoray maamulka jasiirada Malta isaga oo ka codsaday in markabkaasi uu ku soo xirto Valletta,oo ah caasimada Malta.

Balse xukuumadda Malta ayaa sheegtay in hay’ad laga leeyahay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo SOS ay muhaajiriintan ka soo qaaday biyaha dalka Liibiya islamarkana sharciyan ay hoos imaanayaan Taliyaaniga.

Hay’adda SOS Mediterranee ayaa sheegtay in tiro muhaajiriin ah ay soo badbaadiyeen ka dib markii doontii ay la socday ay badda dhexdeeda ku jabtay.

33,000 oo muhaajiriin ah ayaa gaaray dalalka Yurub sanadkan iyaga oo sii maray badda.