Spain oo cudurka arona uu hoos u dhacay

288

Wasiirka arrimaha dibadda Spain ayaa BBC-da u sheegtay in dalka Spain oo cudurku uu si weyn u saameeyay ay hoos u dhaceen kiisaska cusub ama ay yaraadeen.

6400 oo kale ayaa la xaqiijiyay isniintii waana tiradii ugu yared ee todobaadkaan marka la eego todobaadyadii hore oo cudurku uu aad u darnaa.

Arrintaan ayaa imaaneysa iyada oo xayiraddii dalkaas lagu soo rogay la sii kordhiyay walibana la amray shaqaalaha an heyn shaqooyinka muhiimka ah in ay guryahooda joogaan.

Dunida oo idil 36,211 qof ayaa u dhimatay cudurka halka 755,591 laga helay cudurka Carona.

Tiro koobyada qaran ee dalka Spain ayaa muujinaya in cudurkii cirka usii socday uu hoos usoo dhacayo wasiirka arrimaha dibadda Spain Arancha Gonzalez ayaa sidaas sheegtay.

Saraakiisha dalka Spain ayaa sadaalinaya in cudurka halka ugu sarreeya la gaarayo ama uu soo dhowyahay markaas oo la filayo in cudurku uu hoos u dhaco.

Gobolka Catalonia iyo caasimadda Madrid ayaa ah labada meel ee sida weyn uu cudurku u saameeyay.

Dalka Spain ayaa tan iyo 14 bisha Maarso waxa uu ku jiray bandaw iyada oo dadka kaliya loo ogolaa in ay u baxaan shaqo, iibsashada waxyaabaha muhiimka ah sida cuntada iyo in ay aadaan caawinta qaraabadooda.

Sarkalaadda caafimaadka Spain u qaabilsan Maria Jose Siera ayaa sheegtay in tan iyo intii la soo rogay xayiraadda uu isbadal ku yimid kor u kicii cudurka. Kiisaska cusu ayaa kor ugu kacaya 12 boqolkiiba maalintii taas oo  lala barbardhigi karo 20 boqolkiiba oo oo cudurku uu ku socday ka hor 25 bisha Maarso.

Amar adag  ayaa lagu soo rogay dalkaas oo dadka ka hor istaagaya waxyaabaha ana muhiimka ahayn ilaa iyo 9ka bisha Aprilna sidaas ayay ahaan doontaa.

Dhanka kale Dr Fernando Simon oo Spain u qaabilsanaa la dagaalanka cudurka Corona ayaa laag helay cudurka. Fernando Simon ayaa ahaa qofka kaliya ee xiriirka tooska ah la lahaa Raiisulwasaaraha dalkaas oo si toos ugu gudbin jirin waxyaabaha kusoo kordha cudurka Carona.

Isniintii daqiiqad aamusnaan ayaa magaalada Madrid ee caasimadda Spain loogu sameeyay dadkii ku dhintay cudurka Carona. Spain waa dlaka labaad ee dhimashada ugu badan ay ka dhacday marka laga tago Talyaaniga oo kaalinta koowaad uga jira dunida dhanka dhimashada cudurka Corona.

SHARE