Spain iyo Talyaaniga oo tirada dhimashada Corona sii korortay ka sokow xayiraadda lagu soo rogay

881

Talyaaniga ayaa diiwaangaliyay 368 oo kiisas cusub oo dhimasho ah waana tii ugu badneyd tan iyo intii dalkaas lagu arkay xanuunka Carona Virus.

Dad gaaraya 1809 ayaa dalka Talyaaniga ugu dhintay cudurka COVID 19, taas oo Talyaaniga ka dhigeysa dalka ugu daran ee cudurku uu ka dillaaco qaaradda yurub. Tirada ddaka qaba xanuunka ayaa sii cagacaganeysa24700 oo kiis .

Arrintaan ayaa imaaneysa iyaad oo Spain oo ah dalka labaad ee qaaradda yurub ee sida weyn uu xanuunka u saameeyay ay diiwaangalisay 288 dhimasho ah taas oo ah labalaab  tiradii horay dalkaas ugu dhimatay.

Spain ayaa ku biirtay Talyaaniga oo gabi ahaanba xayiraad kusoo rogtay dadkeeda, xayiradaas oo socon doonta muddoo 15 bari ah ayuu Raisulwasaare Pedro Sanchze doonaya in ku badbaadiyo shacabka dalkaas oo gaaraya 47 Milyan.

Dhammaan goobaha waxbarasho iyo madadaalo ayaa la xiray dalka Spain marka laga reebo goobaha laga helo adeegyada muhiimka u ah nolosha.

Dhinaca kale dalka Ireland ayaa dawladda dalkaas waxay amartay in la xiro baararka qamrada laga cabo laga bilaabo saqdii dhexe ee axadda ilaa iyo ugu yaraan 29 bisha Maarso.

Jarmalkana waxa uu bilaabayaa koontaroollo kooban oo ay ka sameynayaan xuduudaha ay la wadaagaan Austria, Switzerland,France, Luxemberg  iyo Denmark laga bilaabo isniinta.

Dalka Uk waaxda arrimaha dibadda ayaa ka digtay safarada aan muhiimka ahayn ee lagu tagayo Maryakanka, maalin kaddib markii Madaxweyne Trump uu xayiraad kusoo rogay Ireland iyo Britain.

Austria waxay dawladda dalkaas sheegtay in laga billaabo isniinta la  mamnuucayo isku imaatinka wax ka badan shan qof si cudurka loo yareeyo.

Jamhuuuriyadda Czech Raiisulwasaaraha dalkaas ayaa sheegay  in ay suurogal tahay in dalka dhan la galiyo karaantiil si looga hortago faafidda cudurka.

Nederland ayaa lagu waramayaa in sideed qof oo cusub ay ugu dhinteen xanuunka taas oo dhimashada ka dhigeysa 20 dalka Holland.

Dalka Spain oo ah dalka labaad ee ugu daran xanuunka Carona ayaa tirada dadka qabawaxay mareysa7753, taas oo muujineysa sare ukac marka la eego halkii uu taagnaa sabtigii oo ahayd 5700.

Bogona Gomez oo ah xaaska Raiisulwasaaraha Spain ayaa lag helay xanuunka  Carona, hasae ahaate waxaa la sheegay in ay hadda xaaladeeda wanaagsantahay.

Labo wasiir oo kale oo ka tirsan xukuumadda Sanchez ayaa todobaadkii al soo dhaafay laga helay xanuunka COVID 19.

Dalka Faransiiska oo ilaa iyo hadda ay ku dhinteen 120 ayaa gabi ahaanba la xiray dukaamada  iyo goobaha aan muhiimka ahayn.

Axaddii ayaa la xaqiijiyay in dad gaaraya 5400 oo ku nool Faransiiska laga helay xanuunka CaronaDunida oo idil 156000 ayaa laga helay ama looga shakisanyahay xanuunka Carona , halka dhimashaduna marayso 5800.