Muqdisho – Waxaa sii kordhaya si maalin ah dadka qaba cudurka Corona Fayras ee gudaha Soomaaliya sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaad Soomaaliya.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiisas cusub oo ah cudurka Corona Fayras ama Covid19 laga diiwan geliyay Gobolka Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Puntland.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Covid-19 ee dowladda ku sheegtay in 79 kiis oo cusub ee la diiwaan geliyay ay ku kala sugan yihiin Gobalka Banaadir (38) Jubaland (22) Koonfur Galbeed Soomaaliya (11) iyo Puntland (8).
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay 3 qof ay u geeriyoodeen cudurka Corona Fayras.
Wasaaradda caafimaad Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in tirada dhimashada guud ee dadka u dhintay Coronavirus ee Soomaaliya ay hadda marayso 38 ruux.
Tirada dadka laga helay xanuunka Corona Fayraska ee Soomaaliya ayaa hadda gaartay 835 sida ay Wasaaradda Caafimaadku xaqiijisay.
Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in cudurkaan ay ka bogsadeen guud ahaan 75 qof.