Soomaaliya oo xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Kenya

641
Are we still friends? President Uhuru Kenyatta with Somali President Mohamed Farmaajo during a past meeting in Nairobi. Photo courtesy: Google

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay xiriirkii dibloomaasiyadeed u jartay dalka Kenya. Wasiirka warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa qoraal uu ka aqriyay Telefishinka Qaranka waxa uu ka sheegay in dowladdu ay xiriirka u jartay dalka Kenya.

Wasiirka warfaafinta oo qoraalka ka aqrinayay muuqaal xilli dambe oo habeen ah la soo dhigay SNTV ayaa sheegay in faragalinta Kenya ee arrimaha Soomaaliya ay keentay in xiriirka loo jaro, isaga oo di diblloomaasiyiinta Kenya u sheegay inay dalka uga baxaan toddobo maalmood gudahooda oo ka bilaabaneysa caawa, isaga oo sidoo kale danjiyaraasha Soomaaliya u sheegay inay dalka dib ugu soo noqdaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya ku xadgudubka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo in Kenya aysan ixtiraamin madaxbannaanida dalka Soomaaliya.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli uu horay u jiray khilaaf u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya kaddib markii ay Soomaaliya u yeeratay danjiraheeda Nairobi u fadhiya, halka midka Kenyana ay amartay in uu dalkiisa dib ugu noqdo.

Muqdisho ayaa Nairobi horrey ugu eedeeysay in arrimaha gudaha Soomaaliya ay faragelin ku hayso gaar ahaan Dowlad Goboleedka Jubbaland, Kenya wali kama jawaabin arrinta ku saabsan in xiriir labada dal ay kala goosteen.