Soomaaliya oo soo dhaweysay Go’aanka looga qaaday Cunaqabatayntii saarnayd Eritrea

692

Muqdisho (UM) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeysay go’aankii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay cunaqabatayntii saarnayd dalka Eriteriya uga qaaday shalay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxame Cabdullahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii saarneyd looga qaaday Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee saarneyd Eriteriya looga qaaday dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen,isagoona u mahad celiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Waxaan soo dhaweyneynaa hubka iyo bartilmaameedyada kale ee cunaqabateynta ee Eriteriya codsigeena wadajirka ah looga qaaday,Waanu uga mahad celineynaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC),dadaalkooda waxtarka leh,Geeska Afrika ayaa si dhaqso ah u u sameynaya horumar iskaashi iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo qoraal la soo dhigay barta twitter-ka ee Madaxweynaha.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay si rasmi ah cunaqabatayntii saarnayd dalka Eriteriya uga qaaday 9 sanno kaddib markii wax caddeyn ah ku waysay oo muujinaysa in Eriteriya ay taageerto kooxda Al-Shabaab.